8/13/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2020
Askari katirsan Puntland oo dad shacab ah ku dhaawacay Garowe


 

Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay markii askari katirsan ciiddanka amniga Puntland uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ka mudaharadaayay sare ukaca dollarka iyo maciishadaha.

Dadkaan ayaa iskugusoo baxay fagaaraha barxadda Gowe waxayna doonayeen inay dareenkooda ku muujiyaan, balse ciiddanka amniga ayaa rasaas ku kala eryay, taaso keentay rasaastii uu furay mid kamid ah askartu ay haleeshay saddex haween ah.

Dadweyne ka caraysan falkaan ayaa kadib is hor dhoobay xarunta saldhigga dhex ee Garowe, iyagoo dalbaday in lasoo xiro askariga rasaasta ku furay shacabka lana marsiiyo cadaalada waxay ka qabto.

Puntland, sarifka dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay abid. Halkii dollar ayaa lagu sarifayaa in ka badan 40,000 shilin Soomaali ah, sidoo kale boqolkii dolar ayaa lagu sarifayaa afar malyuun iyo dheeraaad.

Markii uu talada Puntland la wareegay madaxweyne Deni wuxuu dollarka marayay 36kun oo shilin Somali ah. Dadku waxay filayeen in isbedel uu imaandoono. Balse sare u kaca dollarka ayaa weli kor u socda.

Sare u kacaan, waxaa loo aaneeynayaa lacago shilin Soomaaliga oo maamulkii hore uu daabacday, taasoo keentay sicir barar xoogan.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan online
[email protected]









Click here
7/28/2020 5:58 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Beesha caalamka ayaa muujiyay walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aysan wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtiyaysan.

7/28/2020 4:54 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga midowga Nabadda iyo hor’umarka “UPD” sidoo kalena horay usoo noqday madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta dhinaca siyaasadda ugu sarreysa xisbigaas, iyagoo diiradda saaratay xaaladda waddanka uu marayo.

7/28/2020 4:25 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha U Naxariistee Xildhibaan Axmed Shiikh Yuusuf “Galti” oo ka tirsanaa Golaha Baarlamanka Galmudug oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

7/28/2020 4:18 AM EST
Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Kulan ay maanta yeesheen Baarlamanka Puntland ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimaha xudduudaha Dowlad Goboleedkaas, gaar ahaan Sool iyo Sanaag. Waxaana sidoo kale fadhigii maanta ay ku go'aaminyeen in ajendayaasha lagu daro la xisaabtanka golaha wasiirrada maamulkaas.