4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 26, 2020
Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan: Raysal Wasaare Kheyre wuxuu ahaa caqabad hortaagan doorasho qof iyo cod

Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Aadan oo ah guddoomiyaha madasha xisbiyada midoobay ee Hiigsi ayaa soo dhoweysay xil ka qaadistii raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa oo uu shalay barlamaanka riday.

Xildhibaan Fowsiyo oo BBC Somali u warrantay, waxay ku eedeeysay raysal wasaare Kheyre inuu hor-istaagnaa in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uuna doonayay inuu Soomaaliya ku celiyo doorasho dadban.

“Raysal wasaaraha marar badan oo uu hadlay waxaan hadalkiisa ka dhadhaminay inuu diidanaa in dalkaan doorasho dadweyne ay ka dhacdo,” ayay tidhi xildhibaan Fowsiyo.

Waxay raysal wasaaruhu ku eedeysay inuu kasoo horjeestay oo uu muran galiyay sharciga doorashooyinka oo labada gole ay soo ansixiyeen madaxweynuhuna uu saxiixay, sharcigaas oo ah sharciga dalka lagu gaasriinayo doorasho qof iyo cod.

“Hadduu raysal wasaaruhu hor istaagnaa wixii aan shan sano usoo diyaar garooobaynay oo waqti badan nooga lumay sugitaankooda, hadde waan ku qanacsanahay in nala ka hor leexiyo.

Xildhibaan Fowsiyo waxay sheegtay dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada inay masuuliyaddooda qaaddayso xukuumada Kheyre, iyadoo sheegtay in sharuucda dalka ee la rabay in mar hore barlmaanka la horgeeyo lagu haystay xafiiska raysal wasaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]