4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 2 , 2020
Bangiga horumarinta Afrika “ADF” oo dalal badan oo Afrikaan ah oo ay Soomaaliya kamid tahay siinayo lacago wax looga qabanayo COVID-19
 

Khamiis, July 2, 2020 (HOL) - Bangiga horumarinta Afrika ADF ayaa waxaa lagu qoray mareegta uu dhinaca Internetka ku leeyahay in waddamo dhowr ah oo Afrikaan ah islamarkaana ay Soomaaliya qeyb ka tahay loo fasixi doono lacago badan oo loogu tala-galay wax ka qabashada xanuunka COVID-19.

Warka kasoo baxay Bangiga horumarinta Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaasi oo gaareysa 9.52 milyan oo dollar ayaa qeyb ka aheyd 10 milyan oo dollar oo horay loosii qorsheyay.

Waddamada lacgtaan ka faa’ideysan doono ayaa waxaa kamid ah Sudan, Jasiirrada Kamroos, Soomaaliya , Jabuuti, Rwanda, Itoobiya, Uganda , Burundi iyo Suudaanta Koongureed.

Sida ku cad warka uu soo qoray African Development Bank lacagtaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa badi in lagu tababaro xirfadlayaasha iyo shaqaalaha caafimaadka dalalkaasi, si wax looga qabto xanuunka Coronavirus.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]