4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 1 , 2020
Baladweyne oo si weyn looga dabaal degay xuska 1- luulyo


Arbaco, July 1, 2020 (HOL) - Munaasabad si heer sarre loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii 60 aad ee ka soo wareegtay markii xornimadda ay qaateen gobollada koofureed iyo midowgi labadda gobol ayaa xalay lagu qabtay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Munaasabadda waxa ka soo qeyb galay Xubno ka socda maamulka Gobolka Hiiraan saraakiisha ciidamada dowlada kuwa AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Baladweyne.

Abaanduullaha Qeybta 27 ee Ciidamada Xooga Dalka Jenaraal Yacquub Saalax  ayaa sheegay in calanka Soomaaliya u qiimo weyn ugu fadhiyo shacabka Soomaaliyeed. Isago hamblayo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay dunida ka joogan.

Gudomiyaha Dagmada Baladweyne Cismaan Dhicisoow dhuubow  oo isna ka hadlay munasabadda ayaa sheegay in maalinta xurnimadda ay tahay maalin muhiim u ah umadda soomaaliyeed waxana uu ku baaqay in la ilaaliyo xurnimadda hada ay Soomaaliya haysato.

Ugu dambeyntii Munasabada waxaa soo xiray Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxana uu hambalyo u diray dhamaan umadda soomaaliyeed.

Hiiraan Online News Disk