4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab

 

Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.

Taliska ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo  kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya ay 27-kii bishan oo shalay ku  beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib  oo ka tirsan gobolka Jubbada dhexe, islamarkaana ay la beegsadeen xubno  ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkaas duqeynta ah ayaa Mareykanka waxaa uu sheegay inay ku dileen  xubin ka tirsanaa Al-Shabaab oo tiradooda aan la shaacin,islamarkaana  sidoo kale aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayid ah,sida uu  sheegay kuxigeenka Agaasimaha howlgalada, Taliska Mareykanka ee Afrika  Gen. Bradford Gering.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada  ay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ah ee  Soomaaliya ilaa iyo inta laga wiiqayo awooda Al-Shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]