3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 28, 2020
Wasiir Deeqa Yaasin “Reer Diinsoor iyo maamulka Koofur Galbeed waxay maanta hormuud u noqdeen Soomaaliya“


Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa shalay booqasho ugu tagtay haweenka degmada Diinsoor kadib markii kala bar xubnaha golaha deegaanka ee degmada Diinsoor ay noqdeen haween.

Wasiir Deeqa Yaasin oo kulan la qaadatay maamulka Koofur Galbeed oo uu horkacayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka ayaa sidoo kale la kulantay maamulka cusub ee degmada Diinsoor iyo odayaal dhaqameedyada si ay ugu kuur gasho xaaladaha ay ku sugan yihiin haweenka degmada Diinsoor.

“Xubnaha haweenka ee soo galay golaha deegaanka ee degmada Diinsoor ayaa waxaa ay tusaale dhab ah u yihiin in haweenka Soomaaliyeed ay door la taaban karo ka qaadan karaan dib u dhiska, nabadeynta iyo hogaanka dalka qeybahiisa kale duwan” ayay tiri Wasiir Deeqa Yaasin mar ay la hadleysay haweenka degmada Diinsoor.

“Reer Diinsoor iyo maamulka Koofur Galbeed waxay maanta hormuud u noqdeen Soomaaliya oo dhan ayaga oo xaqiijiyay doorka aan la inkiri karin ee ay haweenku ku leeyihiin bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda. Waxaan ku faraxsanahay in sida uu dhigayay cahdiga haweenka Soomaaliyeed ee la meel mariyay Maarso 2019 in maanta kala bar xubnaha golaha deegaanka Diinsoor ay yihiin haween” ayay hoosta ka xariiqday Marwo Deeqa Yaasin.

Wasiir Deeqa ayaa waxaa ay intaas ku dartay “halkaan waxaan u nimid in aan taageero iyo hiilo u muujino maamulka degmada Diinsoor gaar ahaan haweenka xubnahna ka ah golaha deegaanka oo u baahan in la dhiira geliyo, lagana taageero dhinacyo badan si tilaabada ay ku tilaabsadeen loo xoojiyo”.

Haweenka degmada Diinsoor ayaa u gudbiyay Marwo Deeqa Yaasin cabashooyin dhowr ah iyo baahiyo iyaga gaar u ah oo loo baahan in dowladda federaalka Soomaaliya ay si deg deg ah wax uga qabato.  

Waa markii ugu horreysay in maamul laga dhiso dalka Soomaaliya ay kala bar xubnahna golaha deegaanka ay noqdaan dumar taasoo si weyn usoo jiidatay haweenka Soomaaliyeed iyo dowladda Federalka Soomaaliya.

Iman Jama, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/28/2020 3:55 PM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegay inay ka murugaysan yihiin xaalad badqab ee wasiirkoodii amniga Cabdirashiid Janan, kadib markii maanta taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya ay sheegtay inuu ka baxsaday xabsigii uu ku xirnaa.

1/28/2020 11:38 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay Dab ka kacay qeybo kamid ah dhismaha xarunta Bangiga oo kuyaala magaalada Muqdisho.

1/28/2020 11:21 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Russia ayaa gantaalada riddada dheer ee loo yaqaan Pantsir-S1 gaarsiisay Ethiopia bishii Nofembar, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka Sputnik -Russian.

1/28/2020 11:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, ayaa ku eedeeyay dowladda federalka inay dalka dib ugu celinayso 30 kahor sida uu ahaa.

1/28/2020 9:13 AM EST
Talaado, Janaayo ,28, 2020 (HOL)–Gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ayaa dhaliilo usoo jeediyey xukuumadda,isla markaana ugu baaqay in dhallinyarada balanqaadyadii loo balanqaaday loo fuliyo.

1/28/2020 9:07 AM EST
Talaado, Janaayo ,28, 2020 (HOL )–Laba caruura ayaa u geeriyooday dab ka kacay guri ku yaalla xaafadda Balaasa ee magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

1/28/2020 6:55 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee XFS Mudane, Avv. Xasan Xuseen Xaaji iyo Hanti-Dhowraha Qaranka Maxamed Cali Afgooye iyo howlwadeenno ka kala socday Wasaaradda Caddaaladda iyo Xafiiska Handhowrka ayaa kulan la qaaatay hay’adaha UNDP, UNODC, EUCAP iyo qaar ka mid deeq-bixiyayaasha magaalada Mogadisho maanta.

1/28/2020 6:39 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Taliye ku xigeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya Gen. Sakiya xuseen, ayaa hadal ay kusoo qortay barteeda Twitterka ku sheegtay inuu baxsaday wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdi-Nuur (Janan ) oo muddo ku xirnaa xabsi gaar ah.

1/28/2020 5:18 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta shir jaraa'id uu xaafiiska ku qabtay ka warbixiyay qorshaha hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo.

1/28/2020 4:30 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo dowladda federalka Soomaaliya ayaa gaaray heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan barnaamij cusub oo seddex sano ah oo ah dib-u-habeyn dhaqaale ah laguna taageerayo Dhismaha Sanduuqa Lacagta.

1/28/2020 1:42 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)-Qoraal ka soo baxay Taliska ciidamada Maraykanka ee AFRICO ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe

1/28/2020 12:52 AM EST
Talaado, Janaayo, 28, 2020 (HOL)- Madaxweyne ku xigeenka Puntland ,Axmed cilmi Cismaan Karaash ayaa taliye cusub u magacaabay taliska ciiddanka booliiska gobolka Cayn ee magaalo madaxdiisu ay tahay Buuhoodle.