4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2020
Turkiga oo soo saaraya sharci dhiirri galin kara kufsiga Dumarka
    

Isniin, Janaayo, 27, 2020 (HOL)- Turkiga ayaa soo saaridoona sharci cusub oo u oggolaanaya ragga in ay ka badbaadaan in la maxkamadeeyo haddii ay guursadaan gabdhaha ay kufsadeen ama ay galmo aan caadi aheyn la sameeyaan.

Sharcigaan oo hal ku dhig u ah,”  guurso gabadhada aad kufsatay.” ayaa loo gudbiyay barlamaanka dalka Turkiga dhamaadka bisihii hore.

Haweenka u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa ka carooday sharcigan, iyagoo ku doodaya in uu jidka u xaarayo sii socoshada kufsiga isla markaana uu sharciyeyn doona guurka carruurta iyo kufsiga sharciga ah.

Wadamo badan oo ay kamid yihiin, Egypt, Jordan, Lebanon, Morocco, Tunisia, iyo falastiin ayaa horey qaawiniintooda uga saaray sharcigaan.

Sharci kan la mid ah ayaa ayaa  fashilmay sanadkii 2016 kadib caro caalami ah oo ka dhalatay.

Xisbiga mucaaradka Turkiga ayaa ku baaqay in sharcigaan la jebiyo.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 38% dumarka ku nool Turkiga ay la kulmaan gacan ka hadal ama xadgudubka galmada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]