4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 27, 2020
Faah faahin ka soo baxeysa Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

 

Isniin, Janaayo, 27, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa toogasho xalay koox hubeysan ku dileen Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Yuusuf Siicoow Shabeel.

Gaar ahaan dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Barwaaqo ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir iyadoo kooxdii dilka geysatay goobta ka baxsadeen.

Dilka kaddib waxaa goobta tagay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo howlgalo iyo baaritaanno ka sameeyay degmada hasse ahaatee uma aysan suurtagalin in ay qabteen raggii dilka geystay.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Deyniile sidoo kalana lama oga sababta loo bartilmaameedsaday marxuumka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]