3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Kheyre oo sagootiyay ciidamo loo diyaariyay howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Axad,Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS mudane Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.

Ciidamada oo lagu tababaray xerada Gen. Gordan, ayuu Ra’iisal  Wasaaraha uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna kula ballamay in Al-shabaab ay ka xoreeyaan deegaannada loo qorsheeyay in ay ka  fuliyaan howl gallada. 

Ciidamanka tababarka dhameystay ayaa qayb ka noqonaya ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ee qabowga iyo cadceedda u taagan ilaalinta dhiigga umadda Soomaaliyeed iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo ballan qaaday in madaxda dowladdu u dhammeystireyso dhammaan agabka qaybta ka qaadanaya la-dagaalanka Al-shabaab ayaa sidoo kale saraakiisha iyo taliyaasha ciidanka kula dardaarmay inay ku dadaalaan sugnaanta xuquuqda ciidanka, u cadaalad falaan, tusaale wanaaggsanna u noqdaan ciidamada.

Ciidamo horey loogu tababaray xerada Gen. Gordan ayaa ka qayb qaatay  howl gallada naf bad-baadinta ah ee shacabka Soomaaliyeed looga dul  qaadayo Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 

 

 













Click here
1/26/2020 9:16 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay Puntland marnaba in aysan ka qeyb qaadandoonin imtixaan midaysan, illaa uu dalku ka yeesho manhaj lagu midaysan yahay.

1/26/2020 8:43 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Puntland iyo Somaliland ayaa isku haysta taariikhda halgankii Daraawiisheed ee uu hoggaaminayay allaha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

1/26/2020 6:14 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Siciid Faarax Maxamed Sanweyne oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland horeyna madax ugasoo noqday xisbi siyaasadeed, ayaa madaxda Puntland iyo dowladda federalka uga digay in danaha shacabka mugdi loo galiyo ismariwaaga ka dhextaagan dowladda federalka iyo Puntland.

1/26/2020 5:02 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Somaliya waxay wajahaysaa dhibaatadii ugu darneed oo cayayaanka ayaxa ah 25 sano lasoo dhaafay gudahood, sida laga soo xigtay Ururka cuntada iyo Beeraha (FAO).

1/26/2020 4:14 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Kooxda Al-shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku dishay saddex nin oo ay sheegeen in lagu helay in ay la shaqeynayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

1/26/2020 1:37 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Is-mariwaa siyaasadeed ayaa wali ka taagan degmada DhuusaMareeb oo lagu balansanaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.