3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
25sano kadib Somaliya oo wajahday dhibaatoyinkii ugu xumaa Ayaxa

Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Somaliya waxay wajahaysaa dhibaatadii ugu darneed oo cayayaanka ayaxa ah 25 sano lasoo dhaafay gudahood, sida laga soo xigtay Ururka cuntada iyo Beeraha (FAO).

Somaliland, Putland iyo Galmudug ayaa ah kuwa ay sida ugu daran u saameysay qiyaastii 70,000 hektar oo dhul ah oo ay ku yaaliin dalag. Ayax ayaa horeyba u waxyeeleeyay dalag iyo daaqa Soomaaliya iyo  itoobiya. Arinkasi  wuxuu saameynasaa daaqa iyo dalagyada cunta.

Sida laga soo xigtay FAO, marka la eego roobka aadka u darnaa iyo duufaanta pawan ayaa laga yaabaa inay saameyna ku yeeshaan ayax gobolka oo dhan sanadka 2020. Si looga hortago xaalada.

hay’adda Qaramada Midoobay waxay si dhow ula shaqeyneysaa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo ururka dalaga ka shaqeeya.” waxaan qadeesa talabooyin waaweyn oo ay kamid yihiin buufin dhulka. “waxaa ka hadlaynaa faragelin muddo dheer oo ku sabsan dhexdhexaad ah,” sidaasi waxaaa yir Mudan Etienne Peterschmitt, oo ah wakiilka FAO ee Soomaliya.

 “saamaynta hawlaheena mudada gaaban ayaa noqon doonta mid aad u kooban, laakiin waxaan samayn karnaa isbeddel aan ku taageerno hab nololeedka oo aan ka fogaano cawaaqib xumo kale xilliha Gu’ga soo socda ee 2020 haddiii aan hadda wax ka qabano.” FAO waxay ka digtahy in ayaxa dilacay ay sii xumaynayso xaaladda cuno xumadda ee somaliya.

“Madaamo cimiladu u muuqato mid ku habboon ayax, waxaa jira suuragal sare in ayax sii socon doonto ilaa iyo Maarso ilaa Abriil 2020, oo ay suuragal tahay inuu ku faafo waddamada kale ee Bariga Africa,” sidaasi waxaaa yidhi Mudan. David Phiri, madaxa qaybta FAO ee isku duwaha bariga Afrika.

Ayax ayaa ah cayayaanka leh awood ay ku faafo oo waxyeelo weyn u geesto dhinaca eey ku faafan. Nooc kamid ah ayax ayaa laga yaabaa inay ku jiraan ilaa 150 milyan oo ayax ah kilo mitir laba jibaaran. Xawayaanku waxay u haajiraan dhinac dabaysha waxayna dabooli karaan 100-150 kilo mitir malintii. Iskucalcalis eey baabi’in doona ku filan in laku quudiyo 2,500 oo qof mudo hal sano ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/26/2020 9:16 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay Puntland marnaba in aysan ka qeyb qaadandoonin imtixaan midaysan, illaa uu dalku ka yeesho manhaj lagu midaysan yahay.

1/26/2020 8:59 AM EST
Axad,Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.

1/26/2020 8:43 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Puntland iyo Somaliland ayaa isku haysta taariikhda halgankii Daraawiisheed ee uu hoggaaminayay allaha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

1/26/2020 6:14 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Siciid Faarax Maxamed Sanweyne oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland horeyna madax ugasoo noqday xisbi siyaasadeed, ayaa madaxda Puntland iyo dowladda federalka uga digay in danaha shacabka mugdi loo galiyo ismariwaaga ka dhextaagan dowladda federalka iyo Puntland.

1/26/2020 4:14 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Kooxda Al-shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku dishay saddex nin oo ay sheegeen in lagu helay in ay la shaqeynayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

1/26/2020 1:37 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Is-mariwaa siyaasadeed ayaa wali ka taagan degmada DhuusaMareeb oo lagu balansanaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.