3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 26, 2020
Al-shabaab oo dilay saddex nin oo ay sheegeen inay ahaayeen sirdoon
  

Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Kooxda Al-shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ku dishay saddex nin oo ay sheegeen in lagu helay in ay la shaqeynayeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa shisheeye.

Ninka kowaad Muuse Xuseen Siyaad oo 31 sana jir ah, oo kamid ahaa dadka Al-shabaab dishay ayay ku sheegeen inuu kmid ahaa ciidamada Bangaraafta ee Mareykanku ku tababaray Balidoogle, waxaaana lagusoo qabtay wadada isku xirta Wanllaweyn iyo Afgooye.

Ninka labaad waxay Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Xuseen Max'med Cabdi Arsal. Waa 20 sana jir ay sheegeen inuu katirsanaa ciidamada daraawiishta Jubbaland ee ka howlgala Baar Sanguuni. waxaana lagu qabtay Jubbada Hoose.

Ninka saddexaad, waxaa lagu magacaabaa Falliir Yaroow Cali oo 75 sana jir ah, Al-shabaab waxay sheegtay inuu la shaqeynayay ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose.

Horjoogayaal katirsan Al-shabaab, ayaa ku goodiyay in ay tallaab adag ka qaadi doonaan askarta dowladda ee gacanta lagusoo dhigo iyagoo waddooyinka si dhuumaalaysi ay umaraya,

Ma ahan markii ugu horraysay oo Al-Shabaab ay deegaanno katirsan Jubbooyinka ka fuliso xukunno dilal ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/26/2020 9:16 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka waxbarashada Puntland, Cabdulaahi Maxamed Xasan oo saxaafada kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay Puntland marnaba in aysan ka qeyb qaadandoonin imtixaan midaysan, illaa uu dalku ka yeesho manhaj lagu midaysan yahay.

1/26/2020 8:59 AM EST
Axad,Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya XFS Xasan Cali Khayre ayaa sagootiyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaariyay ka qayb qaadashaya howl-gallada Al-shabaab la gula dagaalayo.

1/26/2020 8:43 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Puntland iyo Somaliland ayaa isku haysta taariikhda halgankii Daraawiisheed ee uu hoggaaminayay allaha unaxariistee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

1/26/2020 6:14 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)-Siciid Faarax Maxamed Sanweyne oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland horeyna madax ugasoo noqday xisbi siyaasadeed, ayaa madaxda Puntland iyo dowladda federalka uga digay in danaha shacabka mugdi loo galiyo ismariwaaga ka dhextaagan dowladda federalka iyo Puntland.

1/26/2020 5:02 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Somaliya waxay wajahaysaa dhibaatadii ugu darneed oo cayayaanka ayaxa ah 25 sano lasoo dhaafay gudahood, sida laga soo xigtay Ururka cuntada iyo Beeraha (FAO).

1/26/2020 1:37 AM EST
Axad, Janaayo, 26, 2020 (HOL)- Is-mariwaa siyaasadeed ayaa wali ka taagan degmada DhuusaMareeb oo lagu balansanaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug.