Markabkii siday Xadhiga Internetka ee DARE 1 Jabuuti oo dib looga celiyey biyaha Somaliland
Sabti, Janaayo ,25, 2020 (HOL )– Ciidanka ilaalada xeebaha
Somaliland ayaa dib u celiyey markabkii siday xadhiga Internetka Badda dhexmara
(Fiber Optic Cable DARE 1 Djibouti ) oo la doonayey in Berbera la keeno.
Ciidamada oo digniin siiyey
markabkaasi ayaa ka dhago adeegay, islamarkaana isku dayey in uu rasaas kor u
rido si uu u cabsi galiyo ciidanka Somaliland, waxaanay ciidanka xeebaha
Somaliland rasaas ku fureen taas ayaa keentay inuu dib uga noqdo biyaha
Somaliland.
Saraakiisha Ciidanka Illaalada
Xeebaha Somaliland oo xalay wargeyska
dawladda ee Dawan waraysi siiyey ayaa sheegay in ay iyagoo dhowraya masaaliixda Siyaasiga ah iyo xidhiidhka
labada dawladood ka dhexeeya ay wakhti dheer digniin siinayeen Markabkaasi,
isla markaana aanay wax jawaab ah ka bixin Rasaasta laga rigay. hase ahaatee
markii uu ka joogi waayey xad-gudubka uu sameeyey ay talaabo ka qaadeen, kuna
celiyeen xaggii uu ka yimi.
“Markabkaasoo ka soo dhaqaaqay
dalka Djibouti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku
soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada hadlin oo sharci darro ah,
markaa Markabkaasi wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee
Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa
wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii
Saarnaa.”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Saylac
Cumar Caadil Qalinle.
Waxaanu intaas raaciyey “markaa
xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo
wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas
ayey howshu ku dhamaatay”.
Mashruuca xadhiga Internet-ka ee
DARE1 oo todobaadkii hore lagu daah-furay dalka Djibouti, isla markaana qaybta
la geynayo Soomaaliya ay saami ku leeyihiin Shirkaddo Somaliland laga leeyahay,
ayaan wax heshiis ah ama isfahama ilaa hadda inta la ogayahay aanay ka gaadhin
Jabuuti iyo Somaliland, taasoo ah sababta in Ciidamadda Illaalada Xeebuhu
isu-hortaageen oo ay dib u celiyaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.