4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Aabe Wiilkiisa dilay oo xabsiga loo taxaabay degmada Jowhar



Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)-Ciidamada Booliiska Dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa ugu danbeyntii qabtay Aabe la sheegay in xalay uu dilay wiilkiisa kaa oo saacadihii ugu danbeeyayba baadgoob lagu hayay.

Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Cismaan Ibraahim ayaa lagu waramayaa in wiilkiisa oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cismaan Ibraahim uu ku gowracay xaafadda Horseed oo ka tirsan degmada Jowhar..

Wararku waxaa ay sheegayaan in ninkan goobta uu ka baxsay kaddib markii uu dilay wiilkiisa, balse howlgal ciidamada sameeyeen ay suura gashay in la soo  qabto,

Arintan ayaa argagax ku beertay dadka ku dhaqnaa xaafadda oo siweyn u garanayay qoyskan,  ilaa iyo haddana lama oga sababta keentay in Ninkan uu dilo wiilkiisa oo da'diisa lagu sheegay 14 sano jir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]