4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 25, 2020
Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka Puntland oo ku baaqay in tanaasul laga muujiyo hadalkii wasiir Goodax
  

Sabti, Janaayo, 25, 2020 (HOL)- Guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa masuuliyiinta waxbarashada Puntland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan imtixaanka midaysan ee dowladda federalku qaado.

Waxaase uu ku taliyay in Puntland ay kaalin ku yeelato dejinta ,qaadista , sixitaanka iyo baahinta natiijada imtixaanka si ay meesha uga baxdo loollanka wasaaradaha waxbarashada ee federalka iyo in la xalliyo dhibta ardada ka soo gaaraysa helitaanka shahaadada.

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa sheegay inuu jiro khilaaf siyaasi ah oo dhaafsiisan waxbarashada heerarkeeda kala duwan oo u dhexeeya Hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka iyo Puntland.

“Ma ah waxa la isku hayo waxbarashada keliya , balse waxaa la isku khilaafsan yahay waa Jaangooyada Siyaasadda Dowladda Federaalku dalka ku hogaaminayso oo u baahan is oggol , is qancin iyo isu tanaasul ka yimaadda labada heer dawladeed.” ayuu yidhi Ismaaciil Warsame.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa wareysi uu BBC ku sheegay in Puntland aysan siindoonin wax shahaado ah, haddii aysan kamid noqon imtixaanka guud ee dowladda federalku maamulayso.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]