Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirrada Caalamka oo ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka
Jimco, Janaayo, 24 2020 (HOL)- Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare BFS iyo Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Aqalka Sare ayaa kulan Wadajir ah waxa ay la yeesheen safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya ,
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Doorashada 2020-2021 la
filayo in ay qabsoonto qaabka ay u dhacayso , Ansixinta Hindise
sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka oo haatan horyaala Golaha Aqalka
sare , in loo baahan yahay dib u heshiisiin si Dadka Soomaaliyeed oo
mid ah ay u dareeraan doorasho.
Dhinaca kale Guddiga Hinddise Sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u
xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa kulan la qaatay guddiga doorashooyinka
Qaranka ,Goobta kulanka ka dhacayay ayaa qodob qodob loo dul istaagay
Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka qaranka ,
Kulanka markuu soo gaba gaboobay ayaa warbaahinta Qaranka waxaa la
hadashay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil
(Xaliima Yarey) waxa ay sheegtay in Guddiga ay sharxeen qodobada
hinddise sharciyeedka, 2021 loo balansan yahay in dalka ay ka dhacdo
doorasho ,
Sen Maxamed amiin Sheeq Cusmaan guddoomiyaha Guddiga Hinddise sharciyeedka Doorashooshinka Qaranka u xilsaaray Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in ay wadaan latashiyo iyo xog uruurin dhanka hindise sharciyeedka doorashooyinka sanad ka dib lagu wado in ay dalka ka dhacaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]