3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Safiirka Denmark ee Somaliya oo Muqdisho ka kaxaysatay gabadh Soomaaliyeed oo maalmahaan labaadigoobyay
 

Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Safiirka Denmarka ee Somaliya iyo Kenya, Mette Knudsen ayaa maanta oo khamiis ahayd magaalada Muqdisho ka kaxaysatay, Amal Nuur Cusmaan oo ahayd gabadh Somaaliyeed oo haysatay dhalashada Denmark.

Taliyaha ciiddanka booliska Soomaaliya, ayaa maalin kahor shaaciyay in gabadhaan oo la weysanaa muddo labo bilood ay ku jirto gacan ammaan ah, kadib markii hooyadeed ay saxaafada ka sheegtay in ay afduub ku haysteen askar katirsan ilaalada madaxtooyada.

Safiirka Denmark ayaa kula dooday dowladda federalka oo isku dayday inay diido bixitaanka gabadhaan,  in Amal Nuur  Cusmaan ay tahay muwaadinad Daanish ah oo qaan gaar ah islamaarkaana aysan jirin sharci udiidaya in ay ku laabato dalkeeda, haddii aan dambi lagu haysan.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya,  Cabdinuur Maxamed Axmed, ayaa xaqiijiyay safarka Amaal, isagoo sheegay in labadii bilood ee gabadhani la weysanaa lagu hayay xerada Xalane.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in dowladda federalku ku dadaashay in ay hor istaagto in gabadhaan dalka lagala baxo , laakiin wuxuu caddeeyay in safiirka Denmark la timid qoraalo sharciyad usiinayay inay Amaal u wadato dalka Denmark oo ay ku dhalatay.

 “Taliye ku xigeenka booliiska ayaa wareysatay Amal Nuur Cusmaan , si loo ogaado xaqiiqada, waxaana idiin sheegi karaa in Amal iyadu dalbatay in Denmark lagu celiyo, sidoo kale waxay diiday in waalidkeed lala hadal siiyo. Sidaas darteed, Anagana ka dowlad ahaan ma haysanin sabab aan ku hor istaagi karnay safarka  gabadhaas,” ayuu yidhi agaasime Cabdinuur. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
1/23/2020 2:26 PM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen dib-u-eegis lagu sameeyay Sharciga La-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka-hor-tagga Afduubka.

1/23/2020 1:54 PM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Don Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kula kulmay afar kamid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, iyagoo ka wada hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha waqtigaan ka taagan Soomaaliya.

1/23/2020 9:46 AM EST
Khamiis, Janaayo ,23, 2020(HOL )–Golaha wasiirada Somaliland ayaa maanta ansixiyey Qabyo Qoraalka Xeerka Carruurta, waxa kale oo warbixin laga dhgaystay wasiirka waxbarashada iyo Sayniska.

1/23/2020 7:06 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo kamid ah Isimada dowlad degaanka Soomaalida Ethoipia ayaa maanta lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

1/23/2020 5:08 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in doorashada maamulka Hirshabeelle waqtigeeda ku dhici doonto.

1/23/2020 1:54 AM EST
Arbaco, Janaayo ,23, 2020 (HOL )–Masuuliyiinta gobolka Awdal ayaa ka hadlay askari lagu dilay galbeedka magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaanay ku baaqeen in si degdeg ah loo soo qabtay gacan ku dhiiglahaasi dilka gaystay.

1/23/2020 1:24 AM EST
Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku baaqay in la joojiyo sida uu hadalka ud higay howlaha ka socda degmada Dhuusa-Mareeb ee Gobolka Galguduud