4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2020
Waare '' Doorashada Hirshabeelle waqtigeeda ayeey ku dhici doontaa

 

Khamiis, Janaayo, 23, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in doorashada maamulka Hirshabeelle waqtigeeda ku dhici doonto.

Madaxweyne Waare oo magaalada Beledweyne kula kulmay Safiirka Dowladda Sweden mbasador Staffan Tillander ayaa faah faahin dheeraad ah  ka bixiyay doorashada ku foolka leh Hirshabeelle gaar ahaan mudada ugu soo horeysa ee la guda-galin doono soo xulista xildhibaannada.

''Waxaa Safiirka si qoto dheer uga wada hadalnay arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan Arrimaha Doorashooyinka, waxaa si gaar ah uga wada hadalnay Doorashada ku soo foolka leh Hirshabeelle, Waxaa u sheegnay oo u cadeynay in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto, Doorashada ugu soo horeysa ee soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka waxaa ay dhici doontaa bisha September,'' ayuu yiri madaxweynaha Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in doorashada Guud la guda-gali doono marka la gaaro bisha October ee isla sanadkan oo la qaban doono Doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isaga oo kulamo kala duwan la leh qeybaha bulshada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]