3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 8 , 2020
Cabdirashiid Janan '' Aniga xabsi la ima geynin

 

Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan kaa soo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.

Dad badan waxay su'aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.

Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.

"Sida uu horayba sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta Soomaaliya bulshada ugu caddeeyay, aniga xabsi la ima geynin. Markii garoonka diyaaradaha la iga qabtay, waxaa i qabtay niman boolis ah oo labisan iyo niman dharcad ah oo isla socda, mid ka mid ah dharcadka ayaana amrayay ciidanka", ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu BBC-da u sheegay in xaafado caadi ah lagu hayay intii uu ku jiray gacanta ciidamada dowladda Federaalka.

"Markii la i qabtay kaddib waxaa la i geeyay xaafad aad u fog, oo markii dambe aan gadaal ka fahmay inay ahayd degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho. Muddadii shanta bilood ahayd ee la i hayay, maalinba waxaa la i geynayay guri xaafad ka tirsan ilaa ugu dambeyntii la i keenay guri ku yaalla xaafadda Shibis, halkaasoo aan muddo 7 cisho ah ku sugnaa.

Janan aya ka hadlay qaabkii loola dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

"Aniga iyo niman askar ah oo dhowr iyo toban ah ayaa isla joognay xaafado ay dad shacab ah u dhisteen si gaar ah, halkaas ayaana la igu hayay. Runtii askarta gacanta igu heysay wax xumaan ah oo ka baxsan amarrada la siinayay oo ay ii geysteen ma jirin, laakiin waxaa jirtay xumaan farabadan oo amarro askartaas lasoo siiyay ah oo ay ku khasbanaayeen inay fuliyaan".

Cabdirashiid Janan ayaa dhanka kale faahfaahiyay sababihii loo sheegay in loo xiray.

"Markii ugu horreysay waxaa la ii sheegay in sababta la ii xiray ay tahay dalab ku aaddanaa inaan dowladda Federaalka ku wareejiyo ciidamo 1000 askari ah oo daraawiish ah, laakiin ma aqbali karin arrintaas, balse aniga waxaan fahansanaa in la ii xiray arrimo ku saabsan doorashadii ka dhacday Kismaayo, waxaana la igula kaftamay in la iga daba keeni doono madaxweyne Axmed Madoobe", ayuu yiri.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa horay u beenisay in arrimo siyaasadeed loo xiray Janan, laakiin waxay shaacisay in loo heystay eedeymo ku saabsan tacaddi bani'aadannimo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowladda Kenya in ay gacanta ku soo dhigto Cabdirashiid Janan sidoo kale waxaa codsaday in la soo qabto hay'adda Amnisty International.

BBC 

 
 

 

 













Click here
2/8/2020 3:07 PM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Ardayda wax ka barata dugsiga sare ee Bosaso Public secondary school oo kamid ah dugsiyada dowliga ah ee Puntland, ayaa sheegay inay u baahan yihiin shahaadada dowladda Soomaaliya bixiso, Puntlandna aysan ku ciyaarin mustaqbalka arday muddo 12 sanno wax soo baranayay.

2/8/2020 12:06 PM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

2/8/2020 10:29 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- 16 qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo galinkii hore ee maanta ka dhacay goobta lagu magacaabo Laas-dheere oo 20 km u jirta magaalada Diridhabe.

2/8/2020 7:21 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka ee dowladda Federaalka.

2/8/2020 5:13 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Kenya ayaa ku dhawaaqday inay ardaydeeda kasoo daadgureyn doonto magaalada ayku xayiran yihiin ee Wuhan, waxayna ku boorisay deriskeeda Ethiopia, inay joojiso duullimaadyada ay ku tagayaan Shiinaha si ay gacan uga geystaan xakameynta cudurka coronavirus ee dhaqsaha u faafa.

2/8/2020 4:30 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyaddu ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

2/8/2020 3:08 AM EST
Sabti, Feberaayo, 08, 2020 (HOL)-Golaha Aqalka Sare oo maalmihii ugu danbeeyayba dood ka lahaa sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa la filayaa fadhiggooda maanta in ay meelmariyaan sharcigan oo horay ay u soo gudbiyeen xildhibaannada Aqalka Sare.