Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Feb 29, 2020
Kooxda Liverpool oo laga jebiyay rikoorkeedii guul darro la'aanta horyaalka Ingiriiska.
Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Liverpool , 44- kulan oo ay ciyaareen aan wax guuldaro ah la kulmin ayaa caawo rikoorkaas laga jebiyay, kadib markii kooxda Watford oo ka cararaysa inay heerka labaad u laabato ay guuldarro xanuun badan dhabarka u saartay.
Rajada Liverpool ee ah inaan weli laga badinin xilli ciyaareedkaan oo dhan ayaa ku dhamaatay qaab xamaasad leh kadib markii kooxda Watford garoonkeeda Vicarage Road ugu awood sheegatay saddex iyo eber.
Ismaila Sarr, oo ah xiddig katirsan Watford ayaa labo gool kooxdiisa u dhaliyay lix daqiiqo gudaheed oo qeybtii labaad ah, ka hor inta uusan kabtanka Watford Deeney dhalin goolkii saddexaad kadib qalad ka yimid difaaca Reds.
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ciyaarta kadib yidhi, “Waxay sameeyeen sidii ay rabeen inay sameeyaan. Taasi waa sida kubada cagta ay u shaqeyso.
Waxyaabaha laga diiwaan galiyay kulankaan.
Watford ayaa ah kooxdii ugu horreysay ee garaacda Liverpool Premier League tan iyo Manchester City bishii Janaayo 2019, iyagoo soo gabagabeeyay rikoorkii guulaha ugu badnaa ee isku xigga (18) iyo guushii labaad ee ugu dheer ee aan laga badin (44) taariikhda Ingariiska.
Guuldaradii 0-3 ee Liverpool ayaa aheyd guul daradii ugu weyneyd ee soo gaarta koox sidaan oo kale looga badiyo tan iyo bishii November 2015 (Man City 1-4 Liverpool).
Guushii Watford ay ka gaartay Liverpool ayaa aheyd tii ugu weyneyd ee kooxda ugu sareysa horyaalka kala kulanto koox ka cararaysa inay u laabato heerka labaad, tan iyo markii Leicester ay 3-0 ku garaacday Manchester United 23kii November 1985.
Liverpool ayaa ku guuldarreysatay inay gool dhaliso kulan ka tirsan Premier League markii ugu horeysay tan iyo bishii Marso 2019 (0-0 v Everton), iyagoo soo gabagabeeyay gooldhalinta 36 kulan oo isku xigta horyaalka.
Liverpool ayaa heshay hal darbo oo bartilmaameed ah kulan Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Febraayo 2019 markaasoo ay barbaro goolal la’aan ah la galeen Manchester United .
Liverpool ayaa u safreysa Chelsea wareega afaraad ee FA Cup Arbacada (19:45 GMT) ka dibna waxay martigelin doonaan Bournemouth horyaalka Sabtida, 7 Maarso (12:30 GMT). Watford waxay u safraysaa Crystal Palace isla maalintaas 15:00 GMT.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Golaha ammaanka oo sheegay inay ixtiraam u hayaan madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya
2/29/2020 3:31 PM EST
Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Golaha Ammaanka ayaa bogaadiyay horumarka laga gaadhay diyaarinta qabashada doorashooyinka qaran ee 2020 / 2021-ka, waxayna soo dhoweeyeen doorka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Mareykanka iyo Daalibaan oo heshiis kala saxiixday
2/29/2020 12:01 PM EST
Sabti, Feberaayo, 29, 2020 (HOL)-Dowladda Maraykanka iyo Ururka Taliban ayaa goor dhow saxeexaanaya heshiis nabadeed oo astaan u noqon kara dhammaadka dagaalkii ugu dheeraa, kaasi labo sano oo wadahadalo ah ka socday caasimada Qadar ee Doha.
Puntland: Nin la nool HIV/AIDs oo 20 sano xabsiya ku mutaystay kufsi gabadh 9 jir ah
2/29/2020 10:10 AM EST
Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta 20 sano oo xabsiya ku riday nin la nool cudurka HIV/AIDs oo kufsi u geystay Farax Faarax Jaamac Siyaad oo ahayd 9 jir.
Macallin Maxamuud ” Wax kaste waan ka tanaasulnay oo aan ka ahayn caqiidada Ahlusuna
2/29/2020 6:08 AM EST
Sabti,Feberaayo,29,2020 (HOL)- Macallin Maxamuud sh, Xasan oo ah hoggaamiyaha Ahlusuna ayaa faah-faahin ka bixiyey tanaasulkii ay ku dhawaaqeen, kadib markii looga awood roonaaday hardankii uu dhiiggu ku daatay ee ay kula jireen dowladda federalka Soomaaliya.
Bangiga adduunka oo sheegay 30 sano kadib inuu dib usoo celiyay xidhiidhkii uu lahaa Soomaaliya
2/29/2020 5:32 AM EST
Sabti,Feberaayo,29,2020 (HOL)- Bangiga adduunka ayaa sheegay in uu caadi ka dhigayo xiriirka kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya 30 sano kadib.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan '' Amniga Galmudug oo idil waxaan ku wareejinay Dowladda Soomaaliya
2/29/2020 2:09 AM EST
Sabti, Feberaayo, 29, 2020 (HOL)- Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Shaakir Cali Xassan oo goor dhaw shir jaraa'id ku qabtay degmada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegay in Amniga guud ahaan deegaannada Galmudug ku wareejiyeen Dowladda Soomaaliya
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab
2/29/2020 1:14 AM EST
Sabti, Feberaayo, 29, 2020 (HOL)-Taliska Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku dileen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Hoggaamiyayaashii Ahlu Sunna oo isku dhiibay Dowladda Soomaaliya
2/29/2020 12:41 AM EST
Sabti, Feberaayo, 29, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug ayaa sheegaya in hoggaamiyayaashii Ahlu Sunna ugu danbeyntii isku dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay xaruntii ay ka deggenaayeen degmada.
Somali News
Liverpool slumps to 1st loss of EPL season, 3-0 at Watford
-
AP
2/29/2020 2:42 PM EST
WATFORD, England (AP) — Liverpool’s ambitions of going through the Premier League season unbeaten were ended Saturday in a surprise 3-0 loss at Watford, marking the runaway leaders’ first loss in 45 top-flight matches stretching back to January last year.
Ahlu Sunna announces scaling back on politics, to focus on ‘religious mission’
-
HOL
2/29/2020 1:22 PM EST
DHUSAMAREEB (HOL) - Ahlu Sunna Wal Jamaa will cease political involvement and focus on its religious mission, its leaders said Saturday and announced cooperation with the state and federal government.
U.S. signs peace deal with Taliban, a turning point in the 18-year war in Afghanistan
-
The Washington Post
2/29/2020 9:13 AM EST
U.S. envoy Zalmay Khalilzad and Taliban deputy leader Mullah Abdul Ghani Baradar inked the deal in an opulent hall in a five-star hotel in Dohar, Qatar. Secretary of State Mike Pompeo witnessed the signing.
Kenyan MP questions why government is hosting fugitive Jubbaland minister
-
The East African
2/29/2020 8:02 AM EST
A Kenyan lawmaker is seeking explanation from the national government about the presence of a fugitive Somalia's Jubbaland minister in Mandera County, saying he is a security threat to residents.
Ahlu Sunna spiritual and political leaders surrender to federal forces after heavy fighting in Galmudug
-
HOL
2/29/2020 2:22 AM EST
DHUSAMAREEB (HOL) - Ahlu-Sunna leaders in Dhusamareb town of central Somalia have turned themselves in to Somali military barely a day after heavy that saw close to ten people killed.
Trump lashes out at Fox News for new poll showing him losing to all the Democratic candidates
-
Vox
2/29/2020 12:48 AM EST
President Donald Trump lashed out on Friday at the network that normally covers him so favorably over a new national poll that shows him losing hypothetical head-to-head popular vote matchups against all six of the top Democratic presidential candidates.
Nigeria confirms 1st case of new virus in sub-Saharan Africa
-
AP
2/29/2020 12:40 AM EST
ABUJA, Nigeria - Nigerian authorities on Friday confirmed the first case of the new coronavirus in sub-Saharan Africa as the outbreak spread to a region with some of the world’s weakest health systems.
Husband held for trial in beating death of Somali wife in City Heights
-
San Diego Union Tribune
2/29/2020 12:36 AM EST
SAN DIEGO — Two sisters of a Somali immigrant living in City Heights testified Friday that, before her beaten body was found last year, her husband threw around accusations that she had made a video in which he was sexually assaulted.
The British Somali player who started a club for women of color | Football
-
Al Jazeera
2/29/2020 12:26 AM EST
Questions about belonging have overshadowed Iqra Ismail's footballing career, so she uses her experience to help others.