Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Golaha Ammaanka ayaa bogaadiyay horumarka laga gaadhay diyaarinta qabashada doorashooyinka qaran ee 2020 / 2021-ka, waxayna soo dhoweeyeen doorka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay mar labaad xaqiijiyeen ixtiraamka ay u hayaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay mar kale ku celiyeen filashadooda ah in la qabto doorasho hal-qof iyo hal cod ah oo u dhacda si nabad ah, daah furan, waqti go'an, la isku halleyn karo oo loo dhan yahay, taasoo u oggolaaneysa muwaadiniin badan inay codeeyaan intii suurtagal ah.
Iyadoo la raacayo Dastuurka Federaalka ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya. Xubnaha Golaha Ammaanku waxay xuseen in dib-u-dhac kasta oo ku yimaad doorashada ay keeni karto qatar isla markaana qabashada doorasho waqtigeedu dhow yahay ay muhiim u tahay xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen dhaqan gelinta sharciga doorashada laakiin waxay xuseen arrimaha muhiimka ah loo baahan yahay in la xaliyo.
Golaha Ammaanku waxay ugu yeereen Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyagoo la kaashanaya guddiga doorashada, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, iyo qeybaha kale ee ay khusayso, inay qaadaan tallaabo deg deg ah si loo caddeeyo Sharciga doorashada, sida: qeexidda deegaannada; qoondaynta kuraasta degaannada; qoondada kuraasta haweenka, maareynta kuraasta Benaadir iyo Somaliland.
Waxay goluhu muujiyeen sida ay uga xun yihiin in guddiga doorashada aysan awood u laheyn inay si xor ah uga shaqeyaan dhammaan Dowladaha xubinta ka ah Federaalka. Xubnaha Golaha Amnigu waxay ugu baaqeen mas'uuliyiinta Soomaaliya heerarkasta leh inay abuuraan jawi ku habboon xaalad siyaasadeed iyo amni ee xagga doorashooyinka loo dhan yahay.