Sabti, Feberaayo,29,2020 (HOL)- Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta 20 sano oo xabsiya ku riday nin la nool cudurka HIV/AIDs oo kufsi u geystay Farax Faarax Jaamac Siyaad oo ahayd 9 jir.
Mukhtaar Cabdikaafi Xirsi , oo 36 jir ah, ayaa sidoo kale wajahaya magdhow lacageed oo dhan $5,000, kadib markii uu sidoo kale ku xadgudbay gabarnimadeeda.
Ninkaan ayaa sanadkii hore maxkamad kutaala Gaalkacyo ku xukuntay dil toogasho. Hase yeeshee maxkamada racfaanka ayaa xukunkaas burisay, iyadoo ka dhigtay 20 sano iyo shan kun oo dollar.
Xukunka ayaa mar kale usoo gudbay maxkamada sare, taasoo maanta ayiday go’aankii maxkamada racfaanka ka qaadatay kiiskaan.
Puntland , sanadkii hore waxay u ahayd sanad ay ka dhaceen kufsiyadii ugu foosha xumaa ee abid ka dhaca Soomaaliya.
Saddex kamid ah kiisaska ayaa ahaa kufsi iyo dil. Inkastoo mid kamid ah cadaalada la marsiiyay hadana weli waxaa horyaala labo kiis oo Puntland u ahaandoona tijaabo kale oo oculus.
Labadaas kiis waxay kala yihiin, marxuumad Hodan Shanlaysane oo Garowe lagu kufsaday laguna dilay iyo Najma Cabdulqaadir oo ahayd 11 jir lagu kufsaday Burtinle markii dambena u geeriyooday dhaawacii kasoo gaaray.