Arbaco, Feberaayo, 26, 2020 (HOL)- Puntland iyo Somaliland ayaa warsaxafaadeedyo iskasoo horjeeda kasoo kala saaray dagaal maanta galinkii hore ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray degaanka la yiraahdo kadhada oo 18km u jira tuulada Yubbe ee gobolka Sanaag.
Labada maamul ayaa mid kasta sheegayana inuu guulo ka gaadhay dagaalkaas oo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray, balse aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.
Puntland waxay sheegtay iyadoo ka jawaabaysay duulaan lagusoo qaaday dhulkeeda inay dagaalkaas ku qabsatay 50 maxaabiis ah, hub iyo gaadiid dagaal oo ay wateen ciiddamada Somaliland.
Waxay sheegtay Puntland, in dagaalkaas ujeedadiisu ahayd sidii loo qalqal galin lahaa ammaanka gobolka Sanaag.
Dhinaca kale, warsaxaafadeed kasoo baxay afhayeenka ciiddanka milatariga Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalkaas ciidamada Somaliland ay ku qabsadeen hub iyo maxaabiis katirsan ciidanka Puntland.
Somaliland waxay dhankeeda iska fogeeysay inay lahayd masuuliyadda dagaalka iyagoo ku riixay dhinaca Puntland.
Warar ka madax bannaan oo Hiiraan Online helayso ayaa sheegaya in dagaalku uu ka bilowday israsaasayn dhexmartay ilaalada guddoomiyayaasha gobolada Sanaag ee labada maamul kala matala.