Arbaco, Feberaayo, 26, 2020 (HOL)- Masuuliyiinta shirkadda shidaalka ee HASS ayaa iska bari yeelayay eedeymo uu usoo jeediyay wasiirka howlaha guud ee Somaliland, Qambi, kaasoo ku eedeeyay shirkaddu inay taageerto jabhad hubaysan oo fadhigeedu yahay gobolka Togdheer, taasoo dagaal kula jirta Somaliland.
Guddoomiyaha shirkadda HASS Cabdirisaaq Ibraahim ayaa sheegay eedeynta wasiirka inay salka ku haysa, kadib markii uu udiiday inuu shaxaad siiyo.
“Ninkaas wasiirka ah wuxuu sidaas noogu jaaifeeyay waa shilin yar oo shaxaad ah oo uu iweydiistay mar aanu dhawaan isku aragnay Addis ababa. Ilaahey ayaa irsaaqada baxsha, inuu sidaas wax u raadiyo waa qaab fool xun,” ayuu yidhi maamulaha HASS.
Cabdirisaaq Ibraahim wuxuu sheegay inay wasiirka ka doonayaan inuu caddeeyo meesha ay shirkadda HASS ku taageertay jabhadda SSC, haddii uu caddayn waayana ay dalbanayaan in xilka laga tuuro.
“Ninka hankiisu shaxaadka yahay oo shirkaddihii degaanka uu kasoo jeedo laga leeyahay ku sheego inay jabhad wadaan waa nasiib darro, Ninka sidaas ah ma waxaad ka sugaysaan inuu gobol idiin hayo ama beelo idiin xasiliyo?,” ayuu hadalkiisa ku daray.