Arbaco, Feberaayo, 26, 2020 (HOL)- Wasiirka Hawlaha guud iyo gurigeynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa shirkadda Shiidaalka ee Hass iyo shakhsiyaad kale ku eedeeyey inay maalgaliyaan jabhadaha laga sameeyey magaalada Buuhoodle.
Wasiir Qambi ayaa xusay in Buuhoodle ay ka hadhay dhulalka kale ee Soomaalida, isla markaana nin waliba waxa uu doonno ka sameeyo, taasina aanay Danni ugu jirin magaaladda iyo horumarkeedda.
“ Buuhoodle dhibta taalla meel ay taallaa ma jirto dhulka Soomaalida, imika jabhadaha Afrika waxa loo sameeya sidii lacag lagu heli lahaa,waxa jira nin la yidhaahdo Baraarug oo reeraha dega Buuhoodle kolba reer u tagaya oo leh askar aan lacag idin siiyo ii keenna, waligay ma arag jabhad lacag la siiyo, waxa jira jabhadahaasi rag caawiyo oo intooda badan Xamar joogto waxa ka mid ah nin la yidhaahdo Khurushoof oo reer Buuhoodle ah, waxa jira rag kale oo lagu xamanayo oo aan wali soo shaac bixin oo ay shirkada shiidaalka ee HASS ka mid tahay, waxa kamid ah shakhsiyaad kale.”ayuu yidhi wasiir Qambi.
Dhinaca kale, waxa eedaantaasi iska fogeeyey maamulka guud ee shirkadda HASS oo sheegay inay wasiirka dacweyn doonaa,isla markaana uu shirkadda kula kacay dambi weyn oo aanay gaysan.
Maamulka guud ee shirkadda HASS ee Somaliland Cabdirisaaq Ibraahim oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Anigoo ku hadlaya magaca shirkada shiidaalka ee HASS waxaan bulshada Somaliland u cadaynayaa in warkaasi uu wasiirka hawlaha guud sheegay tahay jariimad ka dhan ah shirkadda HASS oo ay tahay duulaan qaawan oo wasiirku ku qaaday shirkadda, haba yaraatee wax yar iyo wax weyn toona kama jiraan waxa uu wasiirku ku eedeeyey shirkadda.”
“Anigu waligayma arag Buuhoodle, wax xafiis ahna kuma lihiin Buuhoodle inuu ku eedeeyo dhibaatooyinka ka jira inay shirkadu ku lug leedahay, waana meel ku dhac ganacsi ”ayuu intaas hadalkiisa raaciyey.
Sidoo kale,waxa uu carabka ku adkeeyey in arrintaasi u marayaan dhanka sharciga, waxaanu yidhi “Arrintaasi shirkaddu waxay u maraysa sharciga iyo xeerarka dalka u yaalla, inuu wasiirku qaadi doono masuuliyada waxa uu ku hadlay anagoo u marayna maxkamadaha dalka hadii uu cadeyn waayo laga rabo inuu isagu jawaab ka bixiyo ama uu wasiirku keenno cadeyn oo shirkadu qaadato masuuliyada eedaasi lagu eedeeyey.”