Axad, Federaayo, 23, 2020 (HOL)- Shirweynaha beesha Mudulood ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waana shirkii ugu horeeyay iyadoo loo dhan yahay ay beeshu isugu timaado muddo dheer kadib.
Ujeedada shirkaan loo qabtay ayaa ahayd in la xoojiyo midnimada beesha Mudulood oo laga saaro tafaaaruq kasta oo ka dhextaagan beesha, waxaana furitaankiisa ka dhex muuqday qeybaha kala duwan ee beesha ay ka kooban tahay.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya sida Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cali Mahdi ayaa shirkaan taageeray iyagoo tilmaamay in beeshu xaq uleedahay inay shirto oo ay danaheeda ka tashato islamarkaana aragti ku darsato xaalada uu dalku haatan marayo siyaasad ahaan, amni ahaan iyo wadajirka bulshada.
Shirka waxaanan ka dhex muuqan wakiiladda beesha mudulood u matala xukuumada federalka Soomaaliya, laakiin waxaa ku sugnaa xildhibaano katirsan labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya oo beesha mudulood kasoo jeeda.
Beeshu waxay iska fogeysay in ay shirkaan ka leedahay dano gaar ah oo wax loogu dhimanayo xasiloonida waddanka
Gabagabadii shirka ayaa lagasoo saaray war murtiyeed, waxaana qodobadii kasoo baxay kamid ahaa, iyadoo taas bedelkeed caddeysay in ay doonayso in talo ku biiriso midnimada iyo isku duubnimada ummadda Soomaaliyeed.
1: In dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan dastuurka dalka Soomaaliyeed.
2: In Amisom dhexdhexaad ka noqoto arrimaha siyaasadeed ee dalka.
3: In la qabto shirweyne u dhantahay beesha mudulood dal iyo dibad.
4: In beesha mudulood raadiso xuquuqda gobolka Banaadir.
5: In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka 2020/2021.