Xisbiyadda mucaaradka Somaliland oo eedeentii ugu cuslayd ujeediyey madaxweyne Biixi
Sabti, Febraayo 22,2020 (HOL)–Labada xisbi mucaarad ayaa si adag ula hadlay madaxweyne Biixi, waxaanay sheegeen inuu maray jidkii ay mareen kalitaliyeyaashii dunida soo maray.
Labada xisbi waxay ku eedeeyeen inuu sharcigii ka talaabsaday,isla
markaana doonayo inuu burburiyo labada xisbi taas oo ay xuseen in aanay aqbali
Karin.
“Maanta waxa muuqata inuu Muuse Biixi u xuubsiibtay kaligii taliye,
cagtana saaray wadadii hore loo eeday ee qayrkii iyo janaradii dhagarta ku
caanka ahaa ay mareen, waxa muuqata inuu burburiyey dimuqraadiyadii curdinka
ahayd ee shacabkani tacabka badan ka gallay waxa muuqata inuu mijo xaabiyey
qaranimadii yo midnimadii ummada Somaliland oo maanta ku jirta jiho wareer
siyaasadeed,, waxa muuqata inuu wali xintan iyo xifaaltan uu ka dhigay
maamulkii uu dallka loo igmaday,isla markaana si badheedh ah iyo kutumasho u
jabiyey, dastuurkii iyo xeerarkii dalkani lahaa”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga
WADANI Cabdiraxmaan Cirro.
Waxa kale oo uu ku baaqay in sanadkan la qabto doorashooyinkii golaha
Wakiilada, golaha Deegaanka iyo ta madaxtooyada oo laga soo hormariyo
wakhtigeedii maadaama oo uu ku fashilmay hogaankii dalka.
“Labada xisbi qaran waxay xalka iyo badbaadinta Somaliland u arkaan in
doorasho madaxtooyo oo xilligeedii laga soo horumariyo ka qabsoonto dalka
sanadkan gudihiisa, maadaama oo uu ku fashilmay hogaaminta dalka”ayuu raaciyey
hadalkiisa Gudoomiye Cirro.
Sidoo kale, waxa isna khiyaamo
wadan ku tilmaamay gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, waxaanu yidhi
“wuu ka tagay madaxtinimo iyo sharci, waxaan u sheegayna in aanu madaxweyne
noqonayn ee uu Muuse Biixi noqonayo, hadii uu yidhaahdo UCID iyo WADANI baan
baabi’inayaa aan mudadoodii gaadhay oo shaadh isaga leeg uu tosho, waxaanu
leenahay madaxweyne nooma tihid, mudada la siiyey hadii uu gar ku qaadan weaayo
madaxweyne noqon maayo cashuur uu qaadanayaana ma jirto waa khaayin Muuse
Biixi, Dalkii Wuxuu Ku Iibiyay 45-Minute, Waynu Iibsannaha, afkiisa iyo
uurkiisuna isma laha, sidii dawladii Afweyne ayaa lagu ridaya oo adigoo qawan
baad ka baxaysa”.
Labada xisbi mucaarad ayaa luuqadii ugu adkayd kula hadlay madaxweyne
Biixi oo ay ku tilmaamay inuu sharcigii burburiyey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.