Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharciga Doorashooyinka Qaranka
Jimco, Feberaayo, 21, 2020 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Kalfadhigii 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa madasha ku saxiixay Sharciga Doorashooyinka oo saldhig u ah geeddi socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay khubarada
Soomaaliyeed ee soo diyaariyey sharcigan, doodihii miro dhalka ahaa ee
laga galay oo ka soo bilowday heshiiskii Baydhabo Juun 2018, iyadoo
hannaan daah-furnaa lagu ansixiyey, taas oo muujinaysa sida ay uga
go’aneyd dowladda in sharcigan uu noqdo mid ka tarjumaya hiigsiga iyo
himilada shacabka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed, waa aragtaan in dib
la idin ku soo celiyey awooddiinii, maantana ay gacantiina ku jirto. In
Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay horey u soo ansixiyeen, aniguna aan
madashan ku saxiixay caawa, si aad ugu codeysaan xisbiga iyo qofka aad
dooneysaan.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in
Xildhibaannada iyo Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen
sharciyo muhiim u ah hor u socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, kuwaas oo
xoojinaya qorsheyaasha Xukuumadda ee xasilinta dalka, la dagaallanka
musuqmaasuqa, adkeynta amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo
kor u qaadidda nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan ku guuleysanay xoojinta
wadashaqeynta Dowladda dhexdeeda iyo midda aan la leenahay shacabkeenna,
iyadoo aan caddeynay sida ay u kala madax-bannaan yihiin Hay’adaha
dastuuriga ah. Waxa ay keentay wada-shaqeyntu in Baarlamaanku ay
ansixiyeen 20 sharci, taas oo muujineysa in ay ka duwan yihiin dhammaan
Baarlamaannadii hore.”
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa adkeeyey howlaha muhiimka ah ee u harsan Baarlamaanka
10-aad, kuwaas oo ay ka mid yihiin dar-dar gelinta Dib u eegsita
Dastuurka, dhammeystirka xeer-nidaamiyeyaasha doorashooyinka iyo
ansixinta xeerarka iyo sharciyada ay u soo gudbisay Xukuumaddu.
Munaasabaddan oo lagu qabtay Madaxtooyada
Qaranka ayaa inta ay socotay, waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha
Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdirixmaan, halka Hoballada
Qaranku ay soo bandhigeen suugaan isugu jirta wacyigelin, dardaaran iyo
dhiirri gelin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]