Axad, Feberaayo, 16, 2020 (HOL)-Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay tiro kale oo intaa ka badanna waaa ay ku dhaawacmeen Qarax miino oo lala eegtay gaari ay la socdeen oo marayay xaafadda Xoosh degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir
Gaariga ay la socdeen ciidamada oo ahaa nooca dagaalka ayaa ayaa la sheegay in miinada ay ku qaraxday xili uu marayay Xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley.
Ururka Al-shabaab ayaa war ay soo daabaceen bogagga Internetka waxaa ay ku sheegteen mas'uuliyada Qaraxa ka dhacay degmada Dherkeenley.
Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]