Sabti, Feberaayo, 15, 2020 (HOL)-Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) oo ahaa ruug cadaa wax badan ka soo qabtay siyaasadda dalka Soomaaliya, xabsi dheerna ugu xirnaa dowladd Maxamed Siyaad Barre, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Yuusuf Cismaan Samatar Bardacad Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa Sharciyaqaan, door muhiim ah kasoo qaatay halgankii Soomaaliya, hanaanka xisbiyada badan ee xukuumadihii 1960 ilaa 1969, isaga oo ka mid noqday Baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaaliya.
Yuusuf Cusmaan Samatar (Bardacad) waxaa uu dhashay 1932. Dugsiga hoose/dhexe iyo sareba wuxuu uga baxay Soomaaliya, kadib waxa uu waxbarashadiisa jaamacaddeed u aaday magaalada Rooma oo uu ka bartay cilmiga Siyaasadda “Polictical Science". Haddana waxa uu bartay sharciga oo uu ka qaatay shahaado sare. Waxa uu ku biiray xisbigii SYL.
Kadib markii uu dalka Talyaaniga wax kusoo bartay, qibrad badana uu kasoo kororsaday xisbiyada dalkaas ka jiray, waxa uu wax ka aasaasay xisbigii la oran jiray Gareedka, SOU,Somali Democratic union 1957,oo uu hortii madax ka noqday Xaaji Mohamed Xuseen oo ka kamid ahaa 13kii SYL..
Muddo yar kadib Aasaasidii xisbigii SOU ee Gareedka,Yuusuf Bardacad waxaa uu noqday xoghayaha guud ee xisbiga. Arday faro badan oo aan kow iyo laba la oran karin buu u kala diray waddamadii shuuciga ahaa. dalka Raashiya ayaa Ardayda ugu badan loo diray. Taageerayaal badan buu ku yeeshay xaafiisyada dawladda. Ka dib markay waxbarashadii soo dhammaysteen waxaa shaqo laga siiyay wasaaraddihii dowladda.
Doorashadii 1964 xisbigiisu wuxuu helay ama uu ku guulaystay 15 kursi.
Yuusuf Cusmaan Samatar (Bardacad) waxa uu ahaa xubin Baarlamaan (wakiil) ilaa 1969kii. Kacaanku markii uu dhashay dibeda ayuu ku maqnaa oo kuma jirin raggii horraankii la xiray, isla markii uu ka soo laabtay dibeda, kacaanku waxa uu ka codsaday in uu la shaqeeyo, balse Yuusuf Bardacad wuu ka cududaartay ka mid ahaanshaha maamulkii Askarta.
Taasi waxay keentay in irdaha loo laabo naadigii xisbiga SOU lana qarameeyo hantidii xisbiga, oo ay ka mid ahaayeen Madbacado iyo waliba qalabka beeraha sida cagaf cagafyo, kuwaasoo loogu talo galay in lagu tababaro Taageerayaasha xisbiga. Sidaas oo kale xisbiga waxuu lahaa, xafiisyo qalabaysan oo lagu bixiyo tababarro kala duwan,si kor loogu qaado aqoonta tageerayaashiisa.
Si kastaba ha ahaatee,Yuusuf Bardacad waxa uu noqday ninkii ugu xabsiga dheeraa dadkii siyaasadda darteed loo xiri jiray intii kacaanku waddanka ka talinayey. Xabsiyada la geyn jira waxaa ka mid ahaa, kii godka ee NSS .(National Security Service} Hay'adda sirdoonka, xabsiga dhexe, laanta Buuro, labaatan Jirow iyo kuwa kale. Markii udambaysay waxa uu xirnaa intii udhaxaysay 1975, ilaa February 1989.