IMF iyo Banggiga Adduunka oo xaqiijiyay in ay Soomaaliya buuxisay shuruudihii deyn cafinta
Jimco, Feberaayo, 14, 2020 (HOL)-Kulamo ay guddiyada sare ee Baniga adduunka iyo IMF yeesheen 12-13-kii Bishaan ayey uga doodeen dekumenti ay shaqaalaha bangiga adduunka iyo IMF ka diyaariyeen Soomaaliya, oo khuseeya hindisaha sare ee dalalka saboolka ah ee aad u deymeysan.
Guddiga sare ayaa soo dhaweeyay dadaalka dowladda FS ee lagu
hagaajinayo xariirka Soomaaliya iyo hey’adaha deymaha ku leh iyo sidoo
kale nadiifinta deymaha, waxayna isku raaceen in qiimeynta la sameeyay
ay muhiim u tahay in Soomaaliya laga cafiyo inta badan US$5.3 billion ee
lagu leeyahay.
Kulamadii guddiga sare ee IMF ay yeesheen February 12, 2020,
Kristalina Georgieva, oo ah agaasimaha maamulka iyo IMF ayaa caddeysay
in Soomaaliya ay kasoo baxday imtixaankii ayna u qalanto in daynta laga
cafiyo.
Madaxweynaha Baniga adduunka, David Malpass ayaa kadib kualka guddiga
sare ee Baniga adduunka ee maanta dhacaywaxuu shegay in maanta tillaabo
wanaagsan loo qaaday in Soomaaliya ay dib u anba qaado in maaliyad ay
ka hesho hey’adaha maaliyadda caalamka, waxuuna Soomaaliya ugu
hambalyeeyay dib-u-habeynta ay sameysay, isaga oo u mahad celiyay
saaxiibada caalamka ee gacanta ka geysay guusha la gaaray.
Bangiga Addunka iyo IMF ayaa qiray in iyada oo ay jiraan caqabado
waaweyn oo ku hor gudbanaa in horumar laga sameeyo dadaallada socday, ay
Soomaaliya ku guuleysatay imtixiinkii xilliga dheer ay ugu jirtay
nadiifinta deymaha lagu leeyahay, waxayna isku raaceen inay Soomaaliya
si guul ah ku gaareyso barta go’aan gaaridda ee dhamaadka bisha Maarso
ee 2020.
Waxay caddeeyeen in gaaridda barta go’aanka ay u baahantahay
wadashaqeyn gudaha ah, taageero ka timaada saaxiibada Soomaaliya iyo
dhinacyada deymaha ku leh dalka oo si wadajir ah uga qayb qaata.
“(Arrinta dhacday) maanta waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo
qaaday in Hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah ay dib dhaqaale u siiyaan
Soomaaliya, kuwaas oo uu ku jiro IDA oo ah sanduuqeenna loogu talo
galay dalalka ugu faqiirsan caalamka.
“Waxaan ugu hambalyaynayaa Soomaaliya dhaqan gelinta dib-u-habayn
muhiim ah oo wax badan ka qaban kara in si joogto ah loo yareeyo
faqriga, sidoo kale, waxaan u mahad celinayaa saaxibbaneeda caalamiga ah
ee nala shaqeeyay si aan Soomaaliya u gaarsiinno heerkaan muhiimka ah”.
Waxaan aad ugu faraxsan nahay in aan si dhow ula shaqeynay Dowladda
Federaalka Soomaaliya si aan uga caawinno horumarka ay sammaysay
sanadihii la soo dhaafay, waxaana rajaynayaa Fursado kale oo waawayn oo
Bangiga Adduunku uu ku taageero shacabka Soomaaliya” ayuu yiri David
Malpass, madaxweynaha Bangiga adduunka.
“ Heshiiska maanta ee guddiga fulinta Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF)
ee ah in Soomaaliya ay buuxin karto shuruudaha dayn cafinta ayadoo la
raacayo Masharuuca HIPC wuxuu calaamad u yahay dhacdo taariikhi ah.”.
Wuxuu bixinayaa aqoonsi cad oo ku saabsan ka go’naanta joogtada ah ee
Somaaliya ay ku sammaynayso dib-u-habayn dhaqaale iyo mid maaliyeed si
waafaqsan barnaamijyadii is-xigxigay (SNP) ee IMF.
Caawinta Soomaaliya si ay u xaqiijiso in daynta laga cafiyo iyo in
loo oggolaado in ay hesho kheyraadka ay u baahan tahay si ay xoog ugu
kobocdo, una yarayso faqriga waa muhiimadda koowaad ee IMF,Aad ayana u
bogaadinayaa xubnaheenna taageerada ay ku bixiyeen guushan” Kristalina
Georgieva oo ah Agaasimaha fulinta iyo ku simaha guddoomiyaha IMF.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]