Somaliland oo laga furey tartanka sida uu Geellu u kala caanno badan yahay
Khamiis, Febraayo 13, 2020 (HOL )– Somaliland ayaa lagu qabtay tartanka geella ugu caanaha badan Somaliland, taas oo loo sameeyey goob lagu tartansiiyo oo geel badan la iskugu keennay.
Madaxweyne Biixi ayaa kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu
tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland, waxaana arrintaasi geelayda ka
caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si
loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela.
Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee
laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu
miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo
kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca
miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.
“Waxaan ka mid ahay Geellayda, laakiin tartankan kuma jiro ee waan soo
diyaargaroobaya , waxaa la ogaanaya caanaha hashiiba inta ay noqonayso, inaga
iyadoo saddexda wakhti la lisayo waxay tahay saddex iyo badh killo, laakiin
geella Carabta waxa uu gaadha sideed Killoo ”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo
tartankan ka hadlayey.
Madaxweynuhu sheegay in la ogaanayo sababta geelleena uga caano yar
yahay geellla Carabta, hadii caafimaadka tahay iyo haday cunto xumo tahayba waa
la ogaanay si cilmiyeysan, hadii loo baahdana Awrka Carabta la keenaya si ay u
caanno badiyaan.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.