4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Somaliland oo laga furey tartanka sida uu Geellu u kala caanno badan yahay


Khamiis, Febraayo 13, 2020  (HOL )– Somaliland  ayaa lagu qabtay tartanka geella ugu caanaha badan Somaliland, taas oo loo sameeyey goob lagu tartansiiyo oo geel badan la iskugu keennay.

Madaxweyne Biixi ayaa kormeer ku tegay xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland, waxaana arrintaasi geelayda ka caawiyey Xukuumadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta oo u qabtay tartankan si loo helo caqabadaha keena caano yaraanta geela.

Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.

“Waxaan ka mid ahay Geellayda, laakiin tartankan kuma jiro ee waan soo diyaargaroobaya , waxaa la ogaanaya caanaha hashiiba inta ay noqonayso, inaga iyadoo saddexda wakhti la lisayo waxay tahay saddex iyo badh killo, laakiin geella Carabta waxa uu gaadha sideed Killoo ”ayuu yidhi madaxweyne Biixi oo tartankan ka hadlayey.

Madaxweynuhu sheegay in la ogaanayo sababta geelleena uga caano yar yahay geellla Carabta, hadii caafimaadka tahay iyo haday cunto xumo tahayba waa la ogaanay si cilmiyeysan, hadii loo baahdana Awrka Carabta la keenaya si ay u caanno badiyaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.