4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 13, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo raalli galin ka bixiyay gabood fal uu sheegay in loo geystay gobolada waqooyi


Khamiis, Feberaayo, 13,2020 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay xiriirka dhow ee ka dhaxeeya cadaaladda, horumarka, amniga iyo midnimada.

Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha Dowladda, gaar ahaan garsoorka in ay ilaaliyaan cadaaladda, dadaal muuqdana ay geliyaan sixidda kiis-dacwadeed kasta oo ay xaqooda ugu soo celinayaan muwaadiniinta la duudsiyey.

“Markii labo qof oo isdacweeyey uu garsooruhu eedda dusha ka saaro kii dulmanaha ahaa ee dhibbanaa, taas macnaheedu waa garsoorahaasi in aanu nabadda iyo xasilloonida ka shaqeyn.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyey aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan in laga garaabo, lana toosiyo gabood-falladii horseeday in dad Soomaaliyeed ay maanta tirsadaan cadaaladd daro, waxa uuna soo jeediyey in wadajir la isu cafiyo, si dhidibbada loogu taago hannaan ku dhisan caddaalad loo dhanyahay.

“Waxaa loo baahan yahay garoowshiyo. Wixii xumaa ee dhacay oo la iska cafiyo, dibna aan u saxno bog kasta oo madow oo taariikhdeenna soo galay. Dhibaatadii loo geystay walaalaha Gobollada Waqooyi ma ahayn mid ku saleysan Koonfur oo Waqooyi ku duushay iyo qabiil midna ee waxa ay ahayd hab dowladeed oo markaas jiray.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa yiri “Anigoo ah Madaxweynihii Qaranka waxaan rabaa in aan cudurdaarkaas sameeyo oo raali-gelintaas aan gaarsiino walaalaheen reer Waqooyi. idinkuna aad ila qaadataan”

Munaasabaddu inta ay socotay, waxaa Madaxweynaha loo soo bandhigay nuxurka aragti wadaagga khuburada garsoorka Soomaaliyeed -heer Federaal iyo heer dowlad goboleed- oo ku saleysan tayeynta hannaanka cadaaladda dalka, caqabadaha ku xeeran, qorsheyaasha hirgalay iyo kuwa hortabinta u leh mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]