4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 12, 2020
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo

 

Arbaco, Feberaayo, 12, 2020 (HOL)-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland iyo ciidamo daacad u ah Cabdinaasir Seeraar oo horay u sheegtay in uu yahay madaxweynaha Jubbaland.

Wararka ka imanaya Kismaayo ayaa sheegaya in dagaalka uu bilaawday kaddib markii taageerayaasha Cabdinaasir Seeraar isku dayeen in ay dhigaan dibadbax ka dhan ah maamulka Jubbalanad  ee uu hogaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, waxaana aaga uu ka dhacay la sheegay in uu degan yahay Cabdinaasir Seeraar, sidoo kalana ay ku taalo xarunta Baarlamaanka Jubbaland.

Dagaalka ayaa imanaya xili Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo uu kulan uga socday madaxweynaha Jubbalanad iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Xaalada meelaha uu dagaalku ka dhacay ayaa kacsan waxaana wali la arkayaa ciidamo isku hor fadhiya iyadoo dadka degan ay muujinayaan baqadin la xiriirta in uu xoogeysto dagaalka labada dhinac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]