4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Murashixiinta madaxtinimada Soomaaliya oo walaac ka muujiyay ruqsadaha baarista Shidaalka
 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay walaac kaga muujiyeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay ku eedeeyeen inay ku howlan tahay bixinta ruqsadaha baarista Shidaalka, xilli lagu jiro marxalad doorasho.

Bayaanka murashixiinta ayaa lagu sheegay in wasiirka Batroolka uu dalka Turkiga u aaday bixinta ruqsadaha shidaal baarista goobaha horay looga cayimay ee deegaanada Galmudug.

Waxay sheegeen tallabadan in ay lid ku tahay nidaamka dowlad wanaaga iyo masuuliyadda qaranimo. Waxay kaloo sheegeen in ay dhaawacayso heshiiskii dayn cafinta dowladda Soomaaliya.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]