4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Shir aan caadi aheyn oo ay yeelan lahaayeen Golaha Wasiirradda Soomaaliya oo baaqday

 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) -  Waxaa dib u dhacay shir caadi aheyn oo maanta Golaha Wasiirradda Soomaaliya ku yeelan lahaayeen magaalada Muqdisho, kaa oo qorshuhu ahaa in looga wadahadllo xaaladihii ugu danbeeyay siyaasadda guud ahaan Soomaaliya.

Golaha Wasiirradda ayaa xalay lagu war-galiyay qabsoomida shirka, hasse ahaatee mar kale Golaha Wasiirradda ayaa loo diray fariin ah in uu shirku baaqday, sida warbaahinta u sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Inkastoo shirkanni uu qaabday hasse ahaatee arrimaha ugu waaweyn ee qorsuhu ahaa in diirrada lagu saaro ayaa lagu sheegay arrintan Jubbaland iyo khilaafka ka taaggan doorashada oo siweyn uga soo horjeesteen musharixiinta mucaaradka.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay waddo qorshe ka dhan ah Jubbaland oo ay dooneyso in ay u aqoonsato deegaan cadawgu heysto oo aan doorasho lagu qabin karin.

Dhawaan ayeey aheyd markii Dowladda Federaalka ay dalka ka saartay safiirkii Dowladda Kenya oo ay ku eedeysay in ay fara-galin ku heyso arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]