4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Shirkaddaha isgaarsiinta Puntland oo dhaqan galin waayay amar kasoo baxay Puntland
 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Shirkaddaha isgaarsiinta ee ka howgalla Puntland ayaa dhaqan galin waayay amar kasoo baxay golaha wasiiradda Puntland, kaasoo wax looga badalayay adeega lacagaha mobaylka la iskugu diro ee sahalka iyo Edahab.

Puntland ayaa shirkaddaha Golis iyo Somtel ku amartay in laga billaabo maanta oo sabti ah ay shirkadduhu joojiyaan in aan wax hal dollar ka yar la isku diri karin.

Tallaabadan ayay Puntland ku sheegtay in ay qeyb ka tahay dadaalo loogu jiro sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka ka jira degaanada Puntland oo gaaray heerkii ugu sareeyay abid, iyadoo weliba lacagtii shilinka Soomaaliga magaalooyinka qaarkood laga diidayo isticmaalkeeda.

Lama oga sababta shirkadduhu u fulin waayeen go’aankaan, iyadoo saakay la filayay inuu dhaqan galo, sidoo kale shirkaddaha isgaarsiinta dhankooda wax jawaab ah kamasoo saarin go’aanka maamulka Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]