4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 5 , 2020
Dowladda oo sheegtay in ay gacanta ku dhigtay madaxii dilalka u qaabilsanaa Al-shabaab

 

Sabti, December, 05, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gal qorsheysan oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Gaar ahaan howlgalkan oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmada Wanlaweyn iyo deegaanno hoos tagga  ayeey sheegeen saraaakiisha ciidamada in ay gacanta ku dhiggeen madaxdii dilalka qorsheysan u qaabilsanaa Al-shabaab oo magaciisa lagu sheegay  Maxamuud Maxamed Sheekh Cali.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ka warbixiyey howl-galkaasi ayaa sheegay in sarkaalka la qabtay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay  dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan soo qabashada sarkaalkaasi.

Ugu danbeyntii  ciidamada Dowlada ayaa maalmihii  ayaa kordhiyey howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]