4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 3 , 2020
Muqdisho '' Nin Hooyadii toorreey ku dilay isna la dilay

 

Khamiis, December, 03, 2020 (HOL) - Dhacdadan oo intii ka war-heshay aad uga argagaxeen ayaa Nin  magaciisa lagu sheegay Cabsiiye Caddaan waxaa uu torreey ku dilay Hooyadii gurigooda oo ku yaala degmada Kaaraan meel aan ka fogeyn isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho.

Gacan ku dhiiglaha  ayaa la sheegay in muddo dheerba uu dalbanayay in loo iibiyo guri dhax ahaa oo laakiin hooyadii ay ka diiday dalabkiisa taasoo keentay markii danbe uu nafta dhaafiyo.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay wiil la dhashay gacan ku dhiiglaha iyo qof kale oo ay daris ahaayeen oo u soo gurmaday in ay ka badbaadiyaan marxuumada.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo markii danbe goobta taggay ayaa toogasho ku dilay Cabsiye Caddaan kaddib markii uu isku dayay in uu ciidamada ku weerarro toorreydii uu ku dilay hooyadii.

Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku badan magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka  iyadoo dhawaan gobolka Shabeellaha Hoose la sheegay in gacanta lagu dhigay Nin Aabihii dil u geystay, waxaana dhamaan dadka falalka noocan ah ku kaca lagu dilmaa in ay yihiin kuwo ay balwadu madaxmartay oo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]