Sabti, December, 26, 2020 (HOL) Koox burcad ah ayaa la sheegay in xalay degmada Wadajir toogasho ku dileen wiil dhalinyarro ah oo la sheegay in ay ka qaateen Mobelkiisa gacanta.
Dadka Xaafadda Nasteexo oo falkan uu ka dhacay ayaa siweyn uga xumaaday dilka wiilkan dhalinyarrada ahaa, waxaana goobta falku ka dhacay taggay oo baaritaanno ka bilaabay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho r ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo batay kooxaha dadka ka qaata telleefoonnadooda gacanta, waxaana ka dhashay falal isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online[email protected]