
newsinsideGuddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu sheegay Muqdisho in aysan u baahnayn siyaasad ku salaysan madfac kuwada hadal, mooryaamayn iyo in lagu goodiyo inuu dalku u laabanayo burburkii 1991.
“Shacabka Muqdisho waxaa laga rabaa in bixiyaan jawaabta ay siin lahaayeen kuwa doonayo in naloo celiyo 1991. Waxaa loo baahan yahay shacabku inuu dharbaaxyo xoogan ku dhufto kuwaas doonayo in la dumiyo dowladnimada la haysto,” ayuu yiri Cumar Filish.
Cumar Filish oo difaacayay dowladda, wuxuu sheegay in dowladdan ay tahay dowladdii ugu horeysay ee mushaarka si toos ah u bixisa islamarkaana ciidankeeda ay ku guulaysteen inay xoreeyaan meelo Ciidamada Amisom iskaga baxeen.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]