Diblumaasiyiinta Soomaaliya ee safaaradda Kenya oo maanta iska xaadirinaya Muqdisho
Isniin, December, 21, 2020 (HOL) - Diblumaasiyiintii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa maanta oo isniin ah dib ugu laabanaya Soomaaliya iyagoo fulinaya amarkii dowladda ee ahaa in muddo 7 cishe ah kusoo xaroodaan.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in safaaradda Soomaaliya ee Kenya albaabada loo laabay, kadib markii dhawaan dowladda Soomaaliya ay jartay xiriirkii kala dhexeeyay Kenya.
Dhammaan diblumaasiyiinta oo uu hoggaaminayo safiirka Soomaaliya Kenya ayaa tagaya Muqdisho halkaas oo ay joogidoonaan inta uu go'an yahay xiriiirka Soomaaliya iyo Kenya.
Arrintan ayaa kusoo xilli uu dalka Jabuuti ka dhacay shir looga hadlayay khilaafka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, halkaas oo ay ku wada sugan yihiin madaxweynayaasha labada dal.