4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2020
Al-shabaab oo weerar ka geysatay saldhig militari gobolka Shabeellaha Hoose

 

Arbaco, December, 02, 2020 HOL) - Xoogagga Ururka Al-shabaab ayaa weeraray saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Ilo lagu kalsoonaan karo oo u sugan gobolka ayaa sheegay in dagaalyahannada Ururka Al-shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig militariga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Sabid oo ka tirsan degmada Afgooye.

Labo askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhintay weerarka lamana sheegin khasaare dhinaca Al-shabaab soo gaaray.

Sidoo kale dowladda wax war ah kama ay soo saarin weerarkan oo dhacay maanta oo Arbaco ah.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]