4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 2 , 2020
Ammaanka barlamaanka Puntland oo aad loo adkeeyay iyo mooshin laga wado guddoomiyaha barlamaanka
 

Arbaco, December, 02, 2020 (HOL) - Ammaanka barlamaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay xilli uu tagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya guddoomiyaha barlamaanka, Cabdirashiid Maxamed iyo xildhibaano dhawaan ku eedeeyay inuu ku guul daraystay hoggaaminta golaha.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay markii ay soo baxday xog ku saabsan in 28 xidhibaan ay mooshin xil ka qaadis ah ah ka keeneen guddoomiyaha barlamaanka, waxayna taas keentay in uu furmi waayo kalfadhigii barlamaanka.

Wararka kale oo aan helayno waxay sheegayaan in guddoomiyaha barlamaanka uu iskudayayo inuu xasaanada ka qaado 8 xubnood oo uu ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin rabshadihii dhawaan barlamaanka ka dhacay.

Waxaa xarunta golaha lagu arkayaa ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal oo ka madax bannaan dhinacyada is haya, kuwaas oo ku sugan gudaha iyo bannaanka xarunta barlamaanka, iyagoo loo keenay in ay sugaan amniga golaha.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo aadaya, iyadoo muddo sanad ah laga joogo markii barlamaanku mooshin xilka uga qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo daareed.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]