4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Mudaharaadyo iskasoo horjeeda oo Muqdisho ka socda
 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Dibadbaxyo iskasoo horjeeda oo ay soo kala abaabuleen dowladda federalka Soomaaliya iyo murashixiinta mucaaradka, ayaa haatan ka socda meelo badan oo katirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Meelaha qaarkood, waxaa jira isku dhac dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo kor ka ilaalinaya dibad baxa dowladda loogasoo horjeedo.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay isku dhaca labada ciidan, hase yeeshee, magaalada Muqdisho ayaa maanta laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah, iyadoo dowladdu heegan galisay ciiddankeeda amniga si ay uga hortagaan rabshadaha ka dhalan kara dibad baxyada.

Mudaharaadka dowladda loogasoo horjeedo oo hal ku dhig u ah,’ dooni mayno boobka doorashada,” ayaa waxaa iclaamiyay murashxiinta madaxtinimada oo sheegay in ay kasoo horjeedaan sida dowladdu u wado hannaanka doorashada.

Wixii faahfaahin ah kala socda Hiiraan Online

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]