4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Qaraxyo lagu burburiyay xarumo boolis oo kuyaala Mandheera
 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Xafiisyo boolis oo dhawaan la dhisay ayaa xalay lagu burburiyey qaraxyo ka dhacay agagaarka Borehole 11 oo ka tirsan degmada Mandheera ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ee ka howlgala agagaarka xadka Kenya iyo Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen falkaan.

Ma jiro wax dhaawac ah oo la soo sheegay. Dadka deegaanka ayaa ka dalbaday mas'uuliyiinta amniga inay wax ka qabtaan dhacdooyinkan.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in mashiinkii isgaarsiinta ee dhismuhu ka socday uu hakad galay sababo la xiriira markii hanjabaado loo jeediyay shaqaalaha ka howlgalayay oo aan u dhalan deegaanka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]