4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 15, 2020
Kulamada Nairobi ee madaxa Kenya iyo Somaliland oo galinka danbe ee maanta la soo gabagabey-nayo

 

Talaado, December, 15, 2020 (HOL) - Galinka danbe ee maanta ayaa lagu waddaa in la soo gabagabeeyo wadahadallada magaalada Nairobi uga soconaya madaxda Somaliland iyo Kenya oo ay kala hoggaaminayaan  Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xaaji Faratoon ayaa sheegay in galinka danbe ee maanta qodobo laga soo saari doono shirka, isaga oo intaa ku darray in labada dhinac wax-yaabihii ay ka wada hadlleen saacadihii la soo dhaafay gabi ahaanba leysku afgartay.

Somaliland iyo Keya ayaa wadahadalladoodan xoogga ku saaraya hagaajinta xiriirka dhinaca ganacsiga ee ka dhaxeeya, sidoo kale waxaa wadahadallada qeyb ka ah arrimaha Amniga oo kulanka leyskula soo qaaday.

Qaar ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa sheegay in marka la eego hab-maamuuska lagu soo dhaweeyay wafdiga uu horkacayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee ku sugan magaalada Nairobi dowladda Kenya u muuqato in ay aqoonsi dadban siineyso Somaliland.

Laakiin haddana dhinaca kale warar hoose oo la helayo ayaa sheegay in Kenya ka weecaneyso in kulanka ay ku soo qaado arrimaha siyaasadeeda iyada oo xormeyneysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]