4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 14, 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo heshiis la'aan uga ambo baxaya Puntland
 

Isniin, December, 14 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka tagaya magaalada Garowe, iyadoo aysan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray khilaafkii dhinaca doorashada ee kala dhaxeeyay Puntland.

Raysal Wasaaraha ayaa safar lug ah ugu ambo baxaya magaalada Gaalkacyo, isagoo usii gudbidoona dhinaca Galmudug, halkaas oo kusii sugnaandoono muddo labo cishe.

Raysal Wasaaraha wuxuu tegidoonaa Dhuusomareeb, isagoo wadatashi la yeelandoona madaxda Galmudug.

Ilo wareed ayaa sheegaya in khilaafka siyaasadeed ee doorashada lagu xallindoono shir kale oo magaalada Muqdisho iskugu imaandoonaan  madaxda dowladda federalka iyo dowlad goboleedka.

Heshiiskii siyaasadeed ee doorashada ee la galay bishii september ee sannadkan, ayaa lagu wadaa in dib loo furo, iyadoo masuuliyiinta ka doodi doonaan qodobo heshiiska ku jira.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]