4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 12, 2020
Cabdullaahi Goodax'' Gobolka Hiiraan waxaa u wanaagsan in uu gooni isu-taag qaato

 

Sabti, December, 12 2020 (HOL) -Wasiirkii hore ee Wasaarradda Waxbarashada ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in marnaba shacabka gobolka Hiiraan ku qanci doonin sida uu hadalka u dhiggay maamulka Hirshabeelle.

Dhismaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku tilmaamay in marwalba lagu soo aadayo xiligga doorashada iyadoo ujeedada laga leeyahay ku tilmaamay oo kaliya in xildhibaannada lagu boobo.

''Reer Hiiraan waxaan u wanaagsan in ay gooni-isu-taag qaataan, waa tan ugu wanaagsan arintaa, maxaa yeelay waxaa muuqata in gobolku uusan ka sii mid ahaan karin maamulkan Hirshabeelle oo sharci darro ku dhisan'' ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.

Goodax ayaa taageero u muujiyay kacdoonka madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle loogu diiday in uu taggo Beledweyne, waxaana uu sheegay in dowladda dhexe ay boobtay doorashada Hirshabeelle.

Mar uu soo hadal qaaday sababta uu arintan uga hadal Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayuu sheegay Cabdullaahi Goodax in laga yaabo Ugaasku in uu raali ka yahay sida ay wax dhacayaan.

''Wey dhici kartaa in Ugaasku arintan wax ka og-yahay waayo wuu ka aamusay, weyna jirtaa in madaxtooyada Soomaaliya ay diyaar uga soo qaatay Beledweyne, meelgaar ahna dajisay'' ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ismari waa ayaa wali ka taaggan maamulka Hirshabelle oo dhawaan doortay madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen cusub.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]