4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 11, 2020
Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay Nin ay sixiroole ku sheegeen

 

Jimco, December, 11, 2020 (HOL) -Wararka ka imanaya degmada Tiyeegloow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab goob fagaaro ah ku toogteen Nin ay ku sheegeen in uu saxiroole ahaa.

Ninkan ay toogashada ku dileen Al-shabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Isaaq Xassan Daa'uud oo 70 jir ahaa, waxaana goobta ay toogashada ka dhacday ku sugnaa dadweyne faro badan oo isaga kala yimid qeybaha ay degmadu ka kooban tahay.

Waxaa ay ku eedeeyeen in muddo 20 sano ah uu ku shaqeysanayay xirfadan sixirka dad badanna uu ku dhibaateeyay waa sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha Al-shabaab.

Ma'aha markii ugu horreysay oo Al-shabaab sidan oo kale fagaarro ugu toogtaan dad ay siyaabo kala duwan u eedeeyeen, waxaana ugu badan shaqsiyaadka ay ku sheegaan in ay jawaasiis u yihiin dowladda iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]